Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odowaa ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka loo marayo maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ugu baaqay shacabka labada gobol inay isu tanaasulaan.
Qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul u sameynta labada gobol ayaa ah:
- Shirku wuxuu furmayaa toddobaadka soo socda.
- Odayaasha dhaqanka oo soo xulaya ergooyinka shirka
- Baarlamaanka ayaa la dhisayaa
- Waxaa loo mari doonaa qaabkii Galmudug loo dhisay.
- Doorashadu waxay u dhici doontaa si furan iyo sanduuq dhalo ah
Wasiirka ayaa sheegay in in labada gobol ay yihiin gobolada haray dhismaha maamulada federaalka, isagoo xusay in labada Gobol ay muhiim u yihiin dhameystirka federaaleynta sida uu hadalka u dhigay.
Wadani.com