Waxaa soo if baxaya qorshe halis ah oo ku saabsan qaabka loo dooranayo madaxweynaha dowladda cusub ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban Cumar Maxamed Cabdulle (Dhagey) ayaa ka dhawaaqijiyay qorshahan oo hore looga soo xigtay ergayga Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating oo ah in haddii la doorto kooram xildhibaanada Baarlamaanka ay dooran doonaan madaxda sare.
Cumar Dhegey ayaa sjeegay in xilliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya go’aankeeda ka wareegi doono guddigiisa ayna u taallo Baarlamaanka Cusub ee Dalka oo marka uu kooram gaaro kulan isugu imaan doona.
“Haddii xildhibaanada la doortay ay gaaraan 180 iyaga ayaa Kulan yeelan doona oo Go’aaminaya Xilliga la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya..” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban.
Hore ayaa Micheal Keating waxaa laga soo xigtay in doorashada madaxda sare ay dhici doonto iyadoo aan la dhameystirin xildhibaanada Baarlamaanka marba haddii la helo kooram, arrintan oo muujineysa in doorashada la dedejin doono.
http://goobjooge.com/war-cusub-ergeyga-qmidoobay-oo-sheegay-la-dooranayo-madaxweyne-iyadoon-la-dhameystirin-baaralmaanka/
Wadani.com