Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Bishaar Abshir Geeddi ayaa shaaciyay in qorshe cusub oo dhinaca amniga ah loo diyaariyay magaalada Muqdisho xilliyada doorashada ka dhaceyso dalka.
Wuxuu sheegay taliyaha in ciidamada Booliska Gobolka Banaadir si dhameystiran ugu diyaar garoobeen sugidda amaanka gobolka, xiliga ay dhacayaan doorashooyinka , ayna wadaan iskaashi ay gobolka Banaadir la leeyihiin sidii degmooyinka gobolka Banaadir loo xaqiijin lahaa amnigooda.
“Waxaan diyaarinay ciidan si gaar ah u xaqiijiya sugida amaanka Muqdisho, xiliyada ay dhacayaan doorashooyinka, waxaan qiimeyn ku sameynayey ciidamada ka howlgala degmooyinka gobolka, runtii si wanaagsan ayaan u diyaar garownay”ayaa laga soo xigtay taliyaha.
Howlo baaritaan ah oo habeenkii ayaa ka bilowday magaalada Muqdisho, iyadoo la arkayay booliska oo xaafadaha qaarkood xiray.
Wadani.com