Fadhigii Golaha Baarlamaanka ee maanta oo lagu waday in cod loogu qaado Mooshinkii laga keenay Baarlamaanka Jubba ayaa waxaa hareeyay jaha wareer ku saabsan xaaladda ammaanka ee xarunta baarlamaanka, waxayna ilaalada Baarlamaanka saaka la soo shir tageen inay hareeraha xarunta baarlamaanka ay ka jirto amaandarro oo laga cabsi qabo in qaraxyo ay yaallaan sidaas darteedna aanu shirka qabsoomi karin.
Xildhibaanno saaka tegay xarunta ayaa markii oo arrintaasi lagu wargeliyay ayaa ku adkeystay inay xarunta galaan iyadoo ka biyo diiday xaalada ammaan darro ee la sheegay oo ay ku tilmaameen qorshe lagu doonayo in lagu baajiyo cod u qaadista mooshinkan, waxayna xildhibaanno badan iska xaadiriyeen xarunta Baarlamaanka, balse waxaan xarunta soo xaadirin guddoomiyaha Baarlamaanka oo ilaa goor dhoweyd la sugayay inuu yimaado.
Xaaladda ayaa qasan iyadoo fadhigii baarlamaanka aanu furmi ilaa iminka waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu dadaal ugu jiray in mooshinkan laga wareejiyo baarlamaanka si aanu dhibaato u dhalan, isagoo xiriiro kala duwan la leh madaxda sare ee dowladda si looga badbaado isku dhac dowladda iyo maamulka Jubba, balse waxaa muuqata in arrintu cakiran tahay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]