Qorshe caawa laga filayay in xilka looga qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa caawa dibĀ u dhacay.
Qorshahan oo ay wadeen xildhibaanno taageersan madaxweynaha la sheegay in xilka laga qaaday ee Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa caawa la isugu geeyay xarunta Madaxtooyad Galmudug.
Wararka caawa laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in kulankaasi lagu kala tegay xilli danbe, kadib markii xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka oo ku sugan Cadaado ay codsadeen in dib loo dhigo.
Madaxweyne Xaaf iyo taageerayaashiisa ayaa doonaya inay dhinacooda xilka ka qaadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi si xaaladdu u noqoto mid siman.
Xiisadda siyaasadeed ee Cadaado ayaa cirka isku shareertay kadib markii ay fashilantay waanwaan ay wadeen qaar ka mida xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, waxayna magaalada la ciirciireysaa maleeshiyooyin iyo ciidamo fara badan.