Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Qorsheyaasha Dahsoon ee Madaxweyne Farmaajo & Dagaal ku soo fool leh dadka reer Mogadishu!

    Qorsheyaasha Dahsoon ee Madaxweyne Farmaajo & Dagaal ku soo fool leh dadka reer Mogadishu!

    March 14, 2020Updated:March 14, 20203 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidamadii ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee Ururka 60aad ayaa laga wareejiyay amniga Madaxtooyada Soomaaliya iyadoo lagu badalay ciidamo laga keenay Gobolka Gedo. Waxaa sidoo kale la kordhiyay tirada ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo markii hore ahaa 600 hadana la gaarsiiyay 1,600.

    Ciidamada la badalay ayaa la soo shaqeeyay Madaxweyneyaashii hore Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh waxayna dhamaantood ka soo jeedaan Gobolka Banaadir iyo deegaanada ku xeeran. Horay ayaa sidaan oo kale ciidamo laga qaaday Gobolka Banaadir iyo Shabeelada Dhaxe loo geeyay deegaano katirsan Gobolka Shabeelada Hoose kadibna weeraro qorsheysan inta Alshabaab ku qaadeen lagu xasuuqay ciidamadaas, gaadiidkii iyo hubkii ay wateena ka qaateen. Weeraradaas waxay ka kala dhaceen Bariire (Agoosto 2017), Awdheegle (Agoosto 2019) iyo Ceel Saliini oo labo jeer ah (Septeembar 2019 iyo Febaraayo 2020).

    Weerarada ciidamadaan lagu xasuuqay ilaa hada madaxda dowladu kama hadlin, mararka qaarna hanbadii ka hartay ayaa xabsiyada loo taxaabay sidii Bishii Septeembar ee sanadkii 2019 ka dhacday deegaanka Ceel Saliini ee Gobolka Shabeelada Hoose.

    Sidoo kale asbuucyada nagu soo aadan waxaa dalka dib loogu soo celin doonaa Ciidamadii Eritereeya lagu tababaray ee Madaxweynaha iyo Taliyaha Nabad Sugida sida gaarka ah u qorteen. Cidamadaas ayaa la geyn doonaa sida ilo xog ogaal ah ii sheegeen baraha koontaroolada magaalada Mogadishu laga soo galo si ciidamada militariga ee duurka loo bixiyay looga mamnuuco in ay magaalada dib ugu soo laabtaan. Qorshahaan ayaa ah bilowga diyaar garow Madaxweyne Farmaajo ku doonayo suuro gelinta dhowr arimood:

    1. In ciidamada dowlada laga sifeeyo dadka ka soo jeeda Gobolada Banaadir iyo Shabeelada Dhaxe. Iyadoo xeryo banaanka ah loogu oodayo Alshabaab si ay u laayaan, inta soo hartayna laga celiyo in ay dib ugu soo laabtaan magaalada Mogadishu.

    2. In marka la gaaro dhamaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo oo hada ay ka harsan tahay wax ka yar sanad uu isku dayo in uu xukunka ku sii haysto awood ciidan sidii nidaamkii keligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Bare.

    3. Hadii gadood ciidan ama mid siyaasadeed uu ka dhasho meelmarinta qorsheyaashaan gurracan ee Madaxweyne Farmaajo damacsan yahay in uu ciidamadaan u isticmaalo la dagaalanka siyaasiinta iyo caburinta bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir.

    Hadaba, mar hadii Madaxweyne Farmaajo uu xilkii Soomaali u dhiibatay ku bedelay qabiileynta hay’adihii dowlada iyo hurinta colaado iyo dagaalo dalka oo dhan ah sida: Somaliland, Puntalnd, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland gaar ahaan Gobolada Gedo iyo Jubadda Hoose, waxaa isweydiin mudan waxa kale ee laga filan karo oo aan ahayn in uu dalka dib u geliyo dagaal sokeeye.

    Ugu dambeyn waxaan ku talin lahaa in dowlad goboleedyadu ka ilaashadaan Farmaajo iyo kooxdiisa maamuladooda iyo in gaar ahaan reer Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir si degdeg ah isugu yimaadaan kulan wadatashi oo ku saabsan waxa laga yeelayo kooxdaan sharciyadii iyo dastuurkii dalka ka tallaabsatay.

    Mahadsanidiin.

    W/Q: Hon. Mahad Salad

    Farmaajo Mahad Salaad Qorsheyaasha dahsoon ee Madaxweyne Farmaajo Xildhibaan Mahad Salaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAfhayeenka Jeremy Slevin: “Ilhaan Cumar waxay Tim Mynett ku guursatay Diinta Islaamka..”
    Next Article Yuusuf Garaad oo shaaciyey xilliga la Caleemo saarayo Madaxweyne Qoorqoor.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo