Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Qoys ka kooban Aabe, Hooyo & Shan Caruur ah Weerarro Is-miidaamin ah ka fuliyey Dalka Indonesia ! [Sawirro]

    Qoys ka kooban Aabe, Hooyo & Shan Caruur ah Weerarro Is-miidaamin ah ka fuliyey Dalka Indonesia ! [Sawirro]

    May 13, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Booliska dalka Indonesia  ayaa sheegaya in xubno ka wada tirsan hal qoys ay weerarro is-miidaamin ah ku qaadeen saddex Kaniisadood oo ku yaalla magaalada Surabaya ee dalka Indonesia.

    Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro dad ah. Sida ay boolisku sheegayaan qoys ka kooban aabe iyo shan carruur ah oo uu dhalay iyo hooyadood ayaa isku qarxiyay saddex kaniisadood.

    Taliyaha booliska Surabaya, Tito Karnavian, ayaa sheegay in aabaha qoyska iyo saddex wiil oo uu dhalay ay isku qarxiyeen labo kaniisadood, halka xaaskiisa iyo labo carruur ah oo kale ay isku qarxiyeen kaniisad kale.

    Weerarradan oo ay sheegatay kooxda la baxday dowladda Islaamka ayaa ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee dalkaasi ka dhaca tan iyo sanadkii 2005.

    Kal hore, madaxa laanta mukhaabaraadka dalkaasi Induniisiya, Wawan Purwanto ayaa sheegay in weerarka ay uga shakisan yihiin koox lagu magacaabo Jemaah Ansharut Daulah (JAD) oo dhiirigelin ka hesha kooxda dowladda Islaamka.

    Waxa uu intaasi ku daray in ay suurtagal tahay in weerarkani uu xiriir la leeyahay dhacdo kale oo kal hore bishan ay ku dhinteen shan askari kaddib markii ay isku dheceen ilaalada xabsi ku yaalla Jakarta iyo kooxo mintidiin ah oo halkaasi ku xirnaa.

    Madaxweynaha dalkaasi Joko Widodo oo booqday kaniisadaha la weeraray ayaa waxa uu weerarradaasi ku tilmaamay wuxushnimo. Waxa uu sheegay in booliska uu amray in ay baaritaan sameeyaan oo ay kala burburiyaan shabakadda soo abaabushay weerarradan.

    Weerarradan ayaa u muuqda in ay yihiin kuwii ugu dhimashada badnaa ee dalkaasi ay ka geystaan taageerayaasha kooxda dowladda Islamaamka.

    Kooxdan ayaa sanadkii 2016 sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ugu horreeyay ee ay dalkaasi ka geysatay, kaddib markii qaraxyo dhawr ah iyo toogasho ka dhcaday Jakarta ay ku dhinteen afar qof oo rayid ah.

    In kabadan 200 oo qof ayaa sanadkii 2002 ku dhimatay labo qarax oo kooxo xiriir la leh Al-Qaacidda ay ku qaadeen goobo lagu caweeyo oo ku yaalla Jasiiradda Bali ee isla dalkaasi Induniisiya.

    Firefighters are seen at the site of a blast at the Pentecost Church Central Surabaya (GPPS), in Surabaya, East Java, Indonesia, 13 May 2018

    Indonesian police patrol outside a church after a suicide bomb in Surabaya, Indonesia. Photo: 13 May 2018

    Daacish Indonesia Qarax
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSAWIRRO: Qaar ka mida Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo gaaray Magaalada Baydhaba
    Next Article Shanta Madaxweyne ee Maamul Goboleedyada oo isugu tegay Baydhaba & Golihii Iskaashiga oo shiraya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo