Dadweyne gaaraya tobaneeyo oo sheegay inay yihiin Qoysaska gacanta ku haya agoonta ciidamda Booliska ayaa maanta bannaanbax ka dhigay iridka laga galo Madaxtooyada.
Haween ka mid ahaa dadkii bannaanbaxa ka qeyb qaatay ayaa heegay inay yihiin Hoohooyinka carruurta ay ka geeriyooden ciidamada Booliiska Soomaaliya oo haya carruurta agoonta Booliiska, iyadoo muddo 4 bilood ah aan helin xuquuqdii la siin jirey.
Waxay sheegeen in looga baxay ballamo badan oo ay la galeen madaxda dowladda Soomaaliya, waxayna codsadeen in arrintooda wax laga qabto, laakiin waxay ciidamada ilaalada madaxtooyada u diideen inay galaan Madaxtooyada.