Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Qoyska Almaas Elman oo War Qoraal ah soo saaray [Dowladaha Somalia & Canada oo laga codsaday inay wadajir u baaraan..]

    Qoyska Almaas Elman oo War Qoraal ah soo saaray [Dowladaha Somalia & Canada oo laga codsaday inay wadajir u baaraan..]

    November 23, 2019Updated:November 24, 20193 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qoyska Allaha u naxariistee Almaas Elman Cali Axmed oo 20kii bishan November ku geeriyootay magaalada Muqdisho ayaa qoraal ay soo saareen uga hadlay xaaladda Geerida gabadhooda iyo baaq ay u direen dadka faafinaya wararka an raadka lahayn ee Geerida Almaas inay joojiyaan.

    Qoraalka oo ay ku saxiixan tahay Ilwaad Elman oo la dhalatay, kuna hadleysa magaca Qoyska Elman ayaa lagu codsaday inay kiiska Geerida baaraan dowladaha Soomaaliya iyo Canada oo ay dhalasho ka heysatay labadaba.

    HOOS KA AKHRISO QORAALKA

    Warmurtiteed ku saabsan Dilkii Almaas Elman kana soo baxay Qoyska Reer Elman Cali Axmed & Reer Xirsi Cabdulqaadir.

    “Dhab ahaantii waxaannu ku jirraa xilli aannu aad uga qalbi-jabannahay geeridii aan xanuunkeeda ciduna qiyaasi karin oo ku timid walaasheen, xaaskii iyo gabadhii aannu dhallnay ee Almaas Elman. Waxaannu dareemaynaa cidlo aan abid ciduna inoo buuxin karin.

    Almaas waxay lahayd ruux ifaysa, bilic-san berina ka ahayd musiibada ay la kulantay. Runtii waa ay laqmatay, in ay xaamilo ahaydna waa mid sii kordhinaysa murugadaan naga daaddegi la’.

    Taageerada, is barbartaagga iyo tacsiyeynta inooga timid daafaha dunida oo dhan aad ayay inoo khushuuc geliyeen. In aannu ogaanno in Almaas aad loo jeclaa aanay si togan uga qayb-qaadatay nolosha dad badan ayaa qoyskayaga qaddar laab-riixasho ah siinaysa waqtigan aadka inoogu adag.

    Aad baannu uga mahad-celinaynaa baroor-diiqda Almaas iyo xusuus sheegiddeeda dunida oo dhan ka dhacaysa, waxaannuna doonaynaa in aannu ku biirro xuska nolosheedii aadka u qaniga ahayd.

    Maahan markii ugu horreysay ee qoyskeenna ay haleesho musiibo qalalaase wadata oo tan oo kale ah. Qalalaase la mid ah midkan ay Almaas ku baxday oo isla magaaladan ka dhacay ayaannu sanado ka hor ku weynay aabbeheen Elman Cali Axmed.

    Taa ayaa sii laballaabaysa murugada iyo qarracanka aannu wajahayno, hase yeeshee marna musiibooyinkani shiiqin maayaan go’aankeenna ah in aannu dhisno nabad qoysaska kale ee Soomaaliyeed ka hor joogsata in ay la soo deristo murugo la mid ah midda aannu haatan dhex maquuranayno.

    Waxaannu weli si aan leex-leexad lahayn ugu jeebban nahay gaaridda Soomaaliya ay dadkeedu ku nool yihiin xaalad aysan ka cabsi qabin in ay musiibo tan la mid ahi ku dhacdo gacalka iyo xigaalkooda.

    War kasta oo haatan laga soo saaro duruufihii ay Almaas ku geeriyootay waa kuwo laga hor-dhacay, mana noqon doonaan kuwo caawiya qoyskeenna. Wararkaa waxaa ka mid noqon kara in laysla dhex meero suuraggalnimada in ay Almaas dishay “xabbad wiifto” ah.

    Waxaannu jeclaan lahayn in dilkii Almaas si buuxda loo baaro, waxaannuna codsanaynaa in ay dawladaha Soomaaliya iyo Canada si wadajir ah oo qoto dheer arrintan u baaraan, maadaama ay laheyd labada dhalasho ee labada dal.

    Intii laga gaarayo hannaankaa hufan oo dhamaystiran waxaannu dalbanaynaa in aanay qof iyo maamul toona ka faalloon arrintaan meel gaar ahna aanay ku tirin.

    Waxaannu ka war haynaa in la faafiyey muuqaallo iyo mu’aamarado aan sal lahayn. Muuqaalladaa iyo mu’aamaradahaasi waa kuwo qoyskeenna sii xanuunjinaya waqtigan adag. Sidaa darteed in la joojiyo iyo dib loo saxo ayaannu codsanaynaa.

    Kani waa warka keliya ee aannu musiibadan haatan ka soo saarayno, waxaannuna si xushmad leh u dalbanaynaa in ay dadku ixtiraamaan asturnaanta axwaasha qoyskeenna, si aannu si nabdoon ugu murugoonno.

    Almaas waxaa ay ka tagtay guud ahaan dalkeedda iyo dadkeedda, gaar ahaana Qoyskeeda oo ka kooban, hooyadeed Fartuun Cabdisalaan Xaaji Aadan, walaaleheed Ilwaad Elman, Iimaan Elman iyo Geesiya Elman, saygeedii Sakariya Xirsi iyo Almaas waxa ay innooga tagtay raad taariikheed aad u sareeya oo ku saabsan is beddel togan oo ka dhaca Soomaaliya, Afrika iyo Dunidaba.” Ilwad Elman

    Almaas Elman Baarista Dilka Almaas Canada Ilwaad Elman Cali Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHay’adda NISA oo soo bandhigtay Ninkii Miinada ku xiray Gaarigii ku qarxay Isgoyska Soobe [Daawo]
    Next Article C/raxman C/shakuur oo u dooday Xasan Cali Kheyre: “Madaxweynaha kuma kalsoona miyaa Ra’iisal wasaraha..?” [Dhageyso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo