Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga ayaa dhowaan loo magacaabay Cusmaan Gacal Maxamed oo loo yaqaano Cusmaan Joon oo ka mid Soomaalida dalkaasi ku nooleyd muddo dheer, isla markaana ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Talyaaniga. Waxaa kaloo uu mar isu sharxay jagada madaxweynaha Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Cusmaan Joon inuu xilkaasi qabto iyadoo la ogeysiiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Danjire Muuse Xasan Maxamed. Jagadan ayaa ahayd mid muddo badanaan la buuxin.
Magacaabidda mas’uulkan ayaa ka mida jagooyin is daba joog ah oo muddooyinkan dambe ay magacaabayeen wasaaradda arrimaha dibadda iyo dowladda Federaalka guud ahaan.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]