Dhamaan qurba joogta beesha Surre ee ku kale nool qaaradaha America Australia Europ iyo Afrika iyo Carabaha waxay halkaan baaq nabadeed u diriyaan xaaladaha colaad ee kasoo cusboonaaday degaanka Towfiiq iyo tuulooyinka ku hareereesan waxayna baaq gaar ah u jeedinayan maamulka galmudug oo asaga maleshiyaad ay ka amar qaataan ay weerar ku yihin degaanadaas waxay baaqooda ku xuseen dhowr qodob kuwaas oo hadii aan laga fiirsan cawaaqib xumo balaaran ay ka dhalan doonto
1_In maamulka Galmudug ee sida ugu dhaqsiyaha badan uu cidankisa uga soo saaro degaanadaas.
2_in maamulka Galmudug ay ku edenayaan inu noqday maamul hal dhinac ah oo uu ilaabay inuu yahay maamul ay beesha surre nafteeda ka tirsantahay sida degmooyinka Bacaadweyne iyo Xeraale ay ka tirsanyihin
3_In hadii colaada la baabulaayo ay beesha Surre ee hada ka tirsan maamulka Galmudug ka fiirsan doonto ka sii mid ahaanshaha maamulkaas
4_In colaada lala beegsanaayo beesha Saleban Cabdale ee degmada Towfiiq ee ka tirsan beesha Surre hadii ay dhacdo ineysan ku ekaan doonin Degmada Towfiiq yo hareeraheeda e ay gaari doonto meel waliba oo beesha surre iyo beesha dulaanka ku ah Towfiiq isla degaan
5_in colaadaha labada dhinac u dhaxeeyo si hufan loo galo oo loo dhameeyo ayadoo aan wax maamul ah lagu marmarsiyooneenin
6_In la ilaaliyo xeerarki ka dhaxeeyey labada beelood ee isku haayo dilka aanooyinka qabiilka ku saleesan oo loo xaliyo arintooda si hufan
7_in qurba joogto beelaha saleban cabdale iyo sacad ay arintaan iskaga yimadaan oo xal waara ka garaan dilalkaan iyo aaanooyinka soo noqnoqday ee u dahxeeyo labadaan beelood si aysan colaadaas u noqon mid degaanka sameen balaaarn ku yeelayo
8_In masuuliyiinta Gal Mudug ugu jiro beesha Surre ay ka qeyb qaataan sidi colaadaas loo joojin lahaaaa