- Rafah Maxamed Alqanun waxay ahayd gabar Sacuudiyaan ah oo toddobaadkii ugu danbeeyay wararkeeda qabsadeen warbaahinta caalamka, siiba reer Galbeedka markii ay gabadhan 18 sano jirka ka baxsaday qoyskeeda oo dalka Kuwait ku sugnaa, kadibna u duushay dalka Thailand.
Rafah markii ay ku xayirantay garoonka diyaaradaha magaalada Bangkok oo ay maalmo ku sugneyd, waxay isku xirtay qol ka mida hotel ku dhex yaalla Garoonka, iyadoo dalbatay in megangalyo la siiyo, waxayna shaacisay inay ka baxday diinta islaamka, waxaana markii danbe Hay’adda Qaxootiga UNHCR u soo jawaabay dalka Canada oo qaatay gabadhan, dalkaasina ay degtay ugu danbeyn, iyadoo ay garoonka ku soo dhoweysay wasiiradda arrimaha dibadda Canada.
Ma ahayn gabadhii ugu horeysay ee ka baxsata Sacuudiga oo raadsata xoriyadda reer Galbeedka, laakin Rafax waxay la keli noqotay waxyaabo la yaab leh oo ay ka mid yihiin, inay diinta islaamka ka baxday, laba subax oo isku xigana waxay dunida la qeybsatay arrimo argagax leh.
Subaxdii koowaad waxay baraha bulshada soo dhigtay inay ku qaraacatay walxo laga sameeyay Hilib Doofaar, waxayse kasii dartay, subaxdii ku xigtay oo ay soo dhigtay barteeda iyadoo Khamrada nooca gaduudan cabeysa iyo sigaar u shidan, taasoo dad badan kaga yaabisay isbedelka degdega ah.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA