Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka K/Galbeed ayaa la sheegay in xalay lagu dilay Sheekh caan ah oo ka mid ahaa ergadii dooratay Baarlamaanka Federaalka.
Dabley Bistoolado wadata ayaa Masjid ku yaalla Baydhabo ku dhex dishay Sheekh Maxamed Madeer, dilkan oo naxdin weyn ka abuuray magaalada.
Labo dabley ah oo ku hubeysan bistoolado ayaa gudaha u galay Masjid uu ku jiray sheekha oo xilligaasi tukaday Salaadii Cishaha, waxaana rasaas ay ku fureen ugu dhintay isla masjidka.
Kooxda Alshabaab ayaa si gaara u ugaarsata ergadii soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.
Wadani