Ra’iisal wasaaraha dalka New Zealand haweeneyda lagu magacaabo Jacinda Ardern ayaa xijaab xiratay iyadoo tacsi ugu dagtay dadkii muslimiinta ahaa ee ehelkooda ku dhinteen weerarkii lagu laayey muslimiinta jimcihii ku tukanayey laba masjid oo ku yaalla dalkaasi.
Ra’iisal wasaaradda ayaa tagtay magaalada dhibaatadu ka dhacday ee Chrischurch waxayna dadka muslimiinta ah u sheegtay inay la qeysaneyso murugada ay tallaabooyin qaadi doonto si loo xaqiijiyo ammaanka, waxayna ku adkeysatay inay New Zealand lahayn muuqaalkii shalay laga baahiyey.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO IYO VIDEO





