Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa soo dhisay Gole Wasiiro cusub oo ka kooban 16 xubnood, waxaana isla maanta ansixiyey Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.
Golaha Wasiirada Itoobiya oo ah kuwii ugu tiro yaraa ee dalkaasi ayaa waxaa ku jira 10 xubnood oo cusub, waxaana lagu soo daray 4 haween ah oo xilal wasiiro ah ka qabanaya xukuumadda cusub, iyadoo 6 wasiir ay dib ugu soo laabteen xilal kala duwan:
HOOS KA AKHRISO LIISKA GOLAHA WASIIRADA CUSUB EE ITOOBIYA
-
Shiferaw Shigutie – Wasiirka Beeraha iyo Kheyraadka Xoolaha
-
Sirag Fegessa – Wasiirka Gaadiidka
-
Dr. Hirut Woldemariam – Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada
-
Teshome Toga – Wasiirka Shirkadaha Dowladda
-
Umer Hussien – Hay’adda Canshuuraha iyo Dakhliyada oo darajo wasiir ah
-
Ubax Mohamed – Wasiirka Isgaasiinta & Tiknologiyada
-
Dr. Ambachew Mekonen- Wasiirka Warshadaha
-
Motuma Mekassa – Wasiirka Difaaca
-
Fozia Amin – Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska
-
Ahmed Shide – Wasiirka Xafiiska xiriirka Dowladda
-
Jantirar Abay – Wasiirka Guryeynta iyo horumarinta Miyiga
-
Melese Alemu – Wasiirka Macdanta, Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga
-
Birhanu Tsegaye – Xeer ilaaliyaha guud (oo darajo wasiir ah)
-
Yalem Tsegay- Wasiirka Haweenka iyo arrimaha Caruurta
-
Melaku Alebel – Wasiirka Ganacsiga
-
Dr. Amir Aman – Wasiiirka Caafimaadka