Iyadoo Maalintii Shaley ahayd Magaaladda Dhuuso Mareeb Xabsi Guri la geliyey Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka ka dib markii ay ka timid magaalada GuriCeel ayaa Dadaalo la sameeyey Goor Dhow la si daayey iyado Xubnihii kale ee la socdey .
Guddoomiyaha fulinta Galmudug Shiikh Shaakir Cali Xasan ayaa ugu yimId goobtii ay ka joogtey magaalada Dhuusamareeb Kulana la qaatey Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ibraahim Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) waxaana Kulankaas la iskula soo qaadey Dhacdadii Xabsi Guri lagu Galiyey.
“Hal askari oo dhib gaarsiiyey masuul Qaran waxay la mid tahay annagoo dhib na wada Gaarey” sidaa waxaa yiri Shiikh Shaakir Cali Xasan oo ah Gudoomiyaha Fulinta Galmudug oo Raaligareyn weyn gaarsiiyey Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaran” oo intaas sii raaciyey.
“Anigoo Wakiil ka ah Shacabka iyo Maamulka waxaa idiin soo Gudbinayaa Raali gareyn aad u sareysey waxaana ka Xumahay wixii idiin gaarey, waxaana Balan qaadayaa in uusan mar kale Dib u soo laaban wixii idin gaarey”.
Gudoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey oo Goobta raaligareynta ka hadshey ayaa u Mahadcelisey Dadaalka Shacabka iyo Maamulka ay ka sameeyaan wixii Dhacay sida Darteed waa Idiin ka qaatey raali Gareyntii.
Waxaa la filayaa in Saacadaha soo socda Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaranka waxay magaalada Dhuusa Mareeb ku qaban doonaan Kulamadii la tashiga Ee ku saabsan Doorashooyinaka oo Maalmahaan Kulamadaas ay ka dhacayeen Gobolada iyo Degmooyinka Dalka.
SAWIRRO