Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga dhawaaqday taageero dhaqaale oo dalkeedu siinayo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala iyo dowladda Soomaaliya.
Kulan ay la yeelatay madaxweynaha Kenya Uhuru Kneyatta kadib ayay sheegtay in xukuumadeeda ay maalgelin dheeraad ku sameysan doonto Kenya, iyada oo sidoo kale tilmaamay in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay siin doonto kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah
“UK wax ay sii wadeysaa taageerada ay u heyso askarta Kenyanka ah ee sida geesinimada leh Al Shabaab ugula dagaalamaya Soomaaliya, waxaana shaacin doonaa dhaqaale cusub oo aan ku taageereyno AMISOM”. Ayay tiri Theresa May.
Waxay ku dhawaaqday lacag gaareysa 7 milyan oo Gin (9.1 million Doolar) oo ay UK ku maalgelineyso Ciidamada AMISOM, 60 milyan oo Gini oo UK ku caawineyso soo kabashada Soomaaliya ee Abaaraha. Waxaa kaloo 25 milyan oo Gini loo qoondeeyay taageerada dowladda Soomaaliya.