Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Etirea Isaias Afwerki ayaa maanta si wadajir ah rasmi ugu furay barta xuduudka labada dal isaga gudbaan ee Oumajir-Humera.
Labada hoggaamiye ayaa tegay bartasi oo muddo dheer xirneyd, iyadoo dib u habeyn lagu sameeyay, waxaana ku wehliyey madax ka tirsan labada dal iyo ciidamo, iyadoo laga taagay calamada labada dalo.
Marinka Xuduudka labada dal ayaa hadda la filaya inuu dib u bilaabo isu socodkii ganacsiga iyo gadiidka labada dal, iyadoo Itoobiya ay dib u bilaabeyso inay badeecado kala soo degto dekadaha dalka Eritrea.





![Ra’iisal wasaaraha Itoobiya & Madaxweynaha Eritrea oo wadajir dib ugu furay xuduudka labada dal [Sawirro]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2018/09/ABIY-AHMED-ISAIAS.jpg)