Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka digay in khilaafka ka dhex taagan dalalka Khaliijka uu xiisad ka dhaliyo dalalka Geeska Afrika.
Desalegn oo hadda ah guddoomiyaha IGAD khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka Itoobiya ka sheegay in dalkiisa uu mowqif dhexdhexaad ah ka qaatay xiisadda ka dhex taagan dalalka Khaliifka ee Sacuudiga, Imaaraadka iyo dalka Qatarm ayna ku baaqeen in qaab nabadeed lagu xaliyo khilaafkaasi.
Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa dhexdhexaad ka noqday khilaafka iyadoo Itoobiya ay sheegtay inay taageersan tahay dadaalka nabadeed ee uu wado Amiirka dalka Kuweyt.
Dalalka Jabuuti iyo Erteriya oo la saftay Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa dhexdooda xiisad colaadeed kasoo cusbnoonatay, kadib markii ay ciidamadii dalka Qatar ay ka baxeen xuduudka labada dal ee ay nabad ilaalinta u joogeen.