Ra’iisal wasaaraha itoobiya Abiy Ahmed ayaa saaka ka dhoofay magaalada Jabuuti, kadib markii uu shalay ka qeybgalay shirkii wadahadalka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay dalkiisa, mana jirto wax faahfaahin ah oo laga bixiyey ka tegistiisa shirka Jabuuti oo la sheegay in maanta ay kulmi doonaan guddiyo ka tirsan dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Somaliland si ay u anba qaadaan arrimaha la isku hayo oo aan wax heshiis laga gaarin kulamadii shalay.

Shirkan ayaa u muuqda inaan heshiis weyn lagu gaari doonin, iyadoo madaxda Somaliland qaarkood ay shaaciyeen inuu fashilmay, laakiin wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay inuu shirku weli socdo.