Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa martiqaad u diray Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Itoobiya oo iminka booqasho ku jooga Boqortooyada Sacuudiga.
Booqashadii ugu horeysay ee Ra’siial wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ku tago dal ka baxsan Bariga Afrika ayuu ku tegay Sacuudiga, isagoo la kulmi doona Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis iyo Dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan.
Sacuudiga ayaa ka mid ahaa dalalkii ugu horeeyay ee hambalyada u diray markii xilka loo doortay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy, iyadoo Sacuudigu ka mid yahay dalalka maalgashiga weyn ku leh Itoobiya.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa hore u booqday dalalka Djibouti, Kenya, iyo Sudan oo dhammaantood deris la ah Itoobiya.