Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadin ka sameeyo xiisad diblomaasiyadeed u dhaxeysa dalalka Somalia iyo Kenya.
Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeysay si toos arrintan uga hadlay ayaa sheegay waajuib saaran tahay xalinta Khilaafka taagan Somalia iyo Kenya, haddii uu tallaabadaas qaadi waayana ay ka dhigan tahay in xiriirka dhulka sii xumaanaya labada dal oo deriska la ah uu keeni karo saameyn ku timaada dadaalka Itoobiya ee horumarinta Geeska Afrika.
“Waan la soconaa dhibaato kasta oo dhex marta Soomaaliya iyo Kenya waxay saameyn ku yeelan doontaa dalkeena, Sidaas darteeda, waxaan jeclaan lahaa in aan kala shaqeyno sidii loo xalin lahaa iyadda (dhibaatadda)” ayuu yiri Abiy oo sheegay inuu arrintan la kaashan doono dalalka IGAD sida Eritrea iyo South Sudan.
Isagoo u waramayey Laanta Af-Amxaariga ee VOA-da ayuu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya u sheegay in xiisadda u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya uu doonayo inuu la kaashado xalinteeda dalal kale si loogu taageero xalinta khilaafkaasi.
Abiy Ahmed oo hore ugu fashilay inuu dhexdhexaadiyo hoggaamiyeyaasha Uhuru Kenyatta iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadib markii uu madaxweyne Farmaajo u hoggaamiyey dalka Kenya, ayna ka wada degaan magaalada Nairobi ayaa u muuqdai nuu dib u soo nooleeyay qorshe ay Kenya wadatay oo ah in muranka Xuduudka Badda ee Somalia iyo Kenya ay dhexdhexaadiyana dalalka IGAD iyo Midowga Afirka.
Qorshahan halista ah ayaan la ogeyn waxa ay dowladda Somalia ka yeeli doonto, waxaana cad in Itoobiya ay la safan tahay Kenya oo ay riixeyso waanwaan laga galo arrinta Badda ee Somalia iyo Kenya si looga soo celiyo maxkamadda cadaaladda ee ICJ, taasoo Somalia ay diidan tahay.