Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goor dhoweyd soo bandhigay Khariirad (Map) aan hore loo arag oo dhulka Soomaalida ka jaraya degaanada Somaliland oo gebi ahaan meesha laga saaray.
Farriin kooban oo ku qoran afafka Amxaariga, Oromada iyo Ingiriiska ayuu Abiy Ahmed soo raaciyey khariirad ay ka maqan tahay Somaliland, iyadoo loo furay Badda Cas; waxaan dood weyn markiiba ka dhalatay waxa ay ku saabsan tahay Khariiradan iyo xilliga lagu soo beegay.
Farriinta Abiy Ahmed oo uu ku faafiyey bartiisa rasmiga ah ee twitterka ayaa u qorneyd: ” ነጻነት ለህዝባችን – ብልጽግና ለአገራችን! Bilisummaan uummata keenyaaf – badhaadhinni biyya keenyaaf! Freedom to our People – Prosperity to our Nation! – Xoriyadda dadkeena, Barwaaqada Dalkeena”.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa hore u soo bandhigtay Khariirad khaldan oo Maabka Soomaaliya ah, waxayna arrintan kusoo beegantay iyadoo la hadal hayo socdaal wadajir ah oo Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Farmajo ku tegayaan magaalada Hargeysa ee maamulka Somliland.
UPDATE: Farriintii Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ee Khariirada Somalia oo laga jaray Somaliland ayaa si degdeg looga saaray bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka, kadib saacad ku dhowaad oo ay ku jirtay.


