Wararka laga helayo magaalad Hargeysa ayaa sheegaya in wafdi culus oo la socda dowladda Itoobiya uu maanta gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde, waxaana ka mida xubno ka socda xukuumadda Itoobiya iyo xafiiska Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed, iyadoo ay warar kala duwan kasoo baxeen socdaalkooda.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wafdiga ay Madaxweynaha Somaliland kala hadlayaan socdaalka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ee magaalada Hargeysa oo hore loo shaaciyey inuu la socdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana arrintaasi ka hor yimid madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.
Maamulka Somaliland ayaa sheegay in socdaalka wasiirka Maaliyadda Itoobiya Ahmed Shiddo uu yahay mid rasmi ah, laakiin warar xogogaal ah ayaa sheegaya inuu farriin uu ka sido Ra’iisal wasaaraha Itoobiya gaarsiinayo Madaxweynaha Muuse Biixi.