Waxaa magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya kulankoodii ugu horeeyay ku yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Kulanka oo uu kasoo shaqeeyay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka dhacay xafiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxaana uu ahaa mid fool ka fool ah oo labada mas’uul ay uga hadleen arrimaha dhex yaalla ee gooni isu taagga Somaliland iyo xiriirka labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka labada mas’uul uu qaatay muddo saacad ah, iyadoo aanay cidna ku wehlin oo keligood uu dhex maray, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta la socota, isagoo markii uu goor dhoweyd soo dhammaaday.
Muuse Biixi ayaa magaalada Addis gaaray intii uu socday shir madaxeedka Midowga Afirka, wuxuuna kulankan ahaa mid aan hore loo shaacin oo ku soo beegmay iyadoo uu meeshii ugu xumeyd marayo xiriirka labada dhinac tan iyo intii uu talada qabtay Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay inuu colaadin gaara kula kacay Somaliland.
War-murtiyeedka shirkan kasoo baxa ayaa lagu wadaa in lagu faahfaahiyo wixii labada dhinac ay isla meel dhigeen.