Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Xaaskiisa ayaa loo ogolaaday inay korsadaan oo aabe iyo hooyo u noqdaan canug agoon ah oo ay ka qaateen xero agoonta lagu xanaaneeyo.
Maxkamadda Federaalka Itoobiya ayaa u sharciyeysay Abiy Ahmed iyo xaaskiisa Zinash Tayachew inay korsan karaan oo waalid u noqon karaan canug lagu magacaabo Million oo ku jiray xerada xannaada agoonta ee Kibebe Tsehay.
Codsiga xaaska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa waxa ogolaaday maxkamadda oo siisay shahaado iyadoo iska xaadirisay maxkamadda shalay, waxayna sheegtay inay canugaasi siin doonaan jaceylka iyo xanaannada uu u baahan yahay.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Itoobiya Meaza Ashenafi, ayaa ugu hamblalyeysay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo haweeneydiisa Zinash tallaabada ay qaadeen.
Labadan lammane ayaa isu dhalay saddex gabdhood, wuxuuna canugan noqonayaa wiil ay waalid ugu noqonayaan sharciga dalkaasi u yaalla.