Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku jooga magaalada Gaalkacyo ayaa shaaciyay in xukuumadiisa ay lacag ugu deeqeyso dhismaha garoonka ciyaaraha Koonfurta Gaalkacyo ee lagu magacaabo C/llaahi Ciise.
Isagoo galabta orod jimicsi ah dhalinyarro kula qaatay garoonka C/llaahi Ciise ayuu sheegay in dhismaha garoonka ay dowladda Somalia ku bixineyso $150,000 si uu u noqdo garoon ku habboon in dhallinyaradu ku ciyaaraan kubbadda cagta.
Waa markii ugu horeysay ee Ra’iisal wasaaraha uu shaaciyo taageero dhaqaale inay xukuumadiisa ku bixineyso maamulka Galmudug oo uu ku sugan yahay muddo ku dhow saddex toddobaad.


