Monday, May 12, 2025

Ra’iisal wasaaraha oo Baarlamaanka looga yeeray iyo Mooshinkii Jubba oo la qeybinayo Sabtida

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya  Cumar C/rashiid Cali ayaa la filaya inuu maalinta beri ah hortago Baarlamaanka Soomaaliya oo fadhi ka mida kulankiisa lixaad ee dhowaan la furay yeelanaya, kadib markii ay u yeereen Guddiga joogtada ah iyo guddoonka Baarlamaanka shirkoodii shalay ka dhacay xaruntooda Villa Hargeysa.

sharmaarke_xumar

[ad name=”HTML-1″]

Ad

Ra’iisal wasaaraha ayaa laga sugayaa inuu Baarlamaanka ka hor jeediyo qorshaha howleedka xukuumadiisa u degsan si Baarlamaanku ula socdo dhaqdhaqaaqa hay’adda fulinta ee dowladda, waxaana qoraalka loogu yeerayo la gaarsiiyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha. Waxaa dhowaan guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka ay dejiyeen ajendayaasha kalfadhiga lixaad ee golaha oo dhowaan furmay..

Sidoo kale gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa kulankoodii shalay isku raacay in Sabtida  beri xildhibaanada loo qeybiyo Mooshinka laga keenay maamulka Jubba iyo baarlamaanka dhowaan la dhisay oo ay gudbiyeen 43 xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka, waxaana la filayaa inay  soo aqrisan doonaan kadibna doodiisa la bilaabo isla toddobaadka soo socda.

Golayaasha baarlamaanka iyo xukuumadda ayaa dareensan in awoodoodii hiigsiga cusub ay halis ku jirto kadib markii ay soo baxeen hogaamiyeyaasha maamulada dalka oo doonaya in lagala tashado tallaabo kasta oo la qaadayo.

- Advertisement -

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML”]

 

- Advertisement -

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON