Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeer ku tegay qaar ka mida Isbitaallada Muqdisho xilli saacado loo xiray wadooyinka muhiimka ah ee Caasimadda taasoo xaalad adah ka dhalisay isku socodka dadweynaha.
Ra’iisal wasaaraha ayaa tegay isbitaallada ay dowladdu maamusho ee Banaadir iyo De Martino, isagoo u kuurgalay shaqada iyo adeegga isbitaalladaasi. Wuxuu warbixin ka dhageystay Wasiirada Caafimaadka Dr. Fawwziya Abikar Nur iyo agaasimayaasha labada isbitaal ee de Martino iyo Banaadir.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaraha ayaa booqday Isbitaalka Yardemali, waxaana intii uu kormeeerkaasi socday oo saacado ah xirnaa Wadooyinka muhiimka ah ee Caasimadda.








