Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdish kadib markii uu muddo toddobaad ah ku suganaa degaanada Puntland oo wadahadal aan miro dhalin uu kula soo yeeshay madaxda maamulada Puntland iyo Jubba.
Socdaalka Ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Gaalkacyo oo lagu waday inuu kulan kula yeesho madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo isna Gaalkacyo ku sugnaa, balse waxaa kulankaasi ka hor istaagay Ra’iisal wasaaraha maamulka Puntland oo u diiday inuu u gudbo dhinaca koonfurta Gaalkacyo iyagoo sabab ka dhigay dhinaca ammaanka.
Fashilka ku yimid kulankii labaad ee labada dhinac ayaa dib u dhac ku keenaya dadaalkii uu wadya Ra’iisal wasaaraha oo horeba ay u diiday Puntland.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]