Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira Xubnaha labada Golle ee Dawladda ayaa maanta tegay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan, Odayaasha dhaqanka, Saraakiisha Ciidamadda Dawladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.
Cumar C/rashiid ayaa Beledweyne tegay wadahadal uu la yeesho qaar ka mida beelaha gobolka Hiiraan si xal loogu helo dhibaatada ka taagan dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ee gobolka Hiiraan, isagoo rajo ka qaba inuu ku qanciyo in dib loo furo shirkii hakaday ee Jowhar, arrintaas oo aad ugu adkaatay dowladda federaalka.
DAAWO SAWIRRO
GOOBJOOGE.COM