Ra’isal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ahna fadhiga maamulka KMG ah ee Jubba.
Socdaalka Ra’iisal wasaaraha ayaa salka ku haya sidii xal loogu heli lahaa muranka ka taagan dhismaha Baarlamaanka Jubba oo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshin ka keeneen, kaasoo khilaaf ba’an ka dhaliyay Maamulka Jubba iyo dowladda Federaalka.
Qorshaha Ra’iisal wasaaraha ayaa ah in Baarlamaanka lagu kordhiyo tiro kooban oo lagu qancinayo beelo cabanaya, arrintas oo mooshinka ka horuu ogolaa Axmed Madoobe, laakiin aan la ogeyn sida uu hadda ku aqbali doono kadib markii uu adkeystay dhowaan inaan hal kursi lagu dari doonin Baarlamaankiisa.
Qabanqaabada soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha ayaa hadda ka socota magaalada Kismaayo, iyadoo mooshinkii Jubba ee Baarlamaanka la filayay inuu cod u qaado uu hakad ku jiro.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]