Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo socdaal dheer ugu maqnaa dalka Mareykanka uu maanta ka degayo magaalada Kismaayo inta aanu imaan magaalada Muqdisho.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo hakaday magaalada Nairobi, isagoo magaalada Kismaayo u tegi doona sii wadida waanwaanta dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba oo xiriirkooda xumaaday wixii ka danbeeyay mooshinkii Baarlamaanka Federaalka sharci darro uga dhigay Golaha wakiilada kumeelgaarka ah ee Jubba.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubba ayaa sheegay inay sugayaan wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxayna noqoneysaa socdaalkii labaad ee Ra’iisal wasaaruhu ku tago Kismaayo muddo bil gudaheed ah.
Waxaa dhowaan Kismaayo booqday ergeyga Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo qabanqaabo ugu jira shir madaxda maamulada dalka iyo dowladda Federalka isugu yimaadaan Muqdisho si qorshe loogu dhigo hiigsiga cusub ee 2016.
Goobjoge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]