Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharamake iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambaxay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda dalka Qatar iyadoo la sheegay inuu casuumaad rasmi ah ka helay dalkaasi.

[ad name=”HTML-2″]
Afhayeenka Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in safarka Ra’iisal wasaaraha uu ka mid yahay safarada shaqo ee lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo dalka Qatar. Dowladda Qatar oo galaangal badan ku leh arrimaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dalkeena la geeyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda Soomaaliya u xiran muddo sanad iyo bar ka badan, si halkaasi loogu sii hayo oo qeyb ka ah heshiis labada dal wada gaareen Mareykankuna dusha kala socdo.
Socdaalka Ra’iisal wasaaraha ayaa qaadan doono afar maalmood, arrimaha Qatar ay dooneyso waxaa ka mida in diyaaradda Qatar Airways ay duulimaadyo ka bilowdo Muqdisho, kadib markii shirkadda Turkish Airlines ay faa’iido balaaran ka heshay duulimaadyada ay ku timaado Muqdisho.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa dalka dib ugu soo laabtay dhowr maalmood ka hor socdaal toddobaad qaatay oo ku tegay Itoobiya iyo Jabuuti, wuxuuna socdaal kale ku tegi doonaa Mareykanka kadib socdaalka dalka Qatar.
Akhri qormada Wadani.com ee safarrada madaxda dowladda
Madaxweynaha oo Muqdisho ku soo laabtay iyo Ra’iisal wasaaraha oo safar ah (Madax wada hayaan ah!)
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]