Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo war ka soo saaray weerarkii Hotelka Maka Almukarama

    Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo war ka soo saaray weerarkii Hotelka Maka Almukarama

    March 28, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey weerarkii kooxda Alshabaab ku qaadeen  Hotel Maka-Al-Mukarama iyo khasaarihii ka dhashay.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkii waxashnimada ahaa lagu dilay 14 qof, oo toban ka mid ah ay ahaayeen dad shacab ah, ayna ku dhaawacmeen 13 qof. Dowlada Imaaraadka Carabtuna ayuu sheegay inay xiriir ay la soo samaysay xukuumadda ayna ka balan-qaaday inay gargaar caafimaad u fidinayso dadka dhaawacoodu daran yahay.  Cumar C/rashiid ayaa ku sifeeyey weerarada noocaan ah ineysan raad ku lehayn diinteenna muqaddaska ah iyo dhaqankeena suuban, isla markaan looga dan leeyahay in lagu gumaado dad aan waxba galabsan.

     

    CUMAR C/RASHIID CALI SHARMA'ARKE
    CUMAR C/RASHIID CALI SHARMA’ARKE

    “Waxaan halkaan ka sheegayaa sida aan ula murugeysanahay qoysaska dadkoodu ku dhinteen, waxaana ogahay xanuunka ay arintaan leedahay, waxaana halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska, ehelka iyo dhamaan asxaabta dadkoodii uga geeriyoodeen weerarka argagaxiso, Waxaana si khaas ah tacsi ugu dirayaa qoysaskii ay ka baxeen Marxuum Yusuf Ismaciil Bari-bari oo ahaa safiir shaqo muhiim ah u hayey shacabka Soomaaliyeed iyo Marxuumad Farxiyo Bashir Nuur oo ahayd aqoonyahanad dalka u timid iney ku biiriso aqoonteeda. Waxaana Ilaahay uga baryayaa inuu siiyo caafimaad taam ah dadkii ku dhaawacmay” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha.

    [ad name=”HTML-2″]

    “Waa inaan shacab iyo dowladba u istaagnaa sidii aan uga shaqayn lahayn amniga, meelna uga soo wada jeesan lahayn kuwo doonaya inay damiyaan iftiinka horumarka, bur-burinta goobaha ganacsiga iyo beegsiga dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.”

    “Waxaan halkaan amaan uga soo jeedinayaa laamaha amnigu talaabadii geesinimada lahayd ee ay ku soo bad badiyeen dad faro badan oo ku xanibnaa gudaha Hotelka, waxana ku boorinayaa laamaha amniga iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si shacabka looga bad baadiyo kooxaha doonaya iney dhibaateeyaan” ayuu yiri RW Cumar.

    Ugu danbayntii, RW ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan iney u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, oo caado ka dhigtay xasuuqa dadka aan waxba galabsan, islamarkaan doonaya iney si khasab ah dadka uga dhaadhicyaan fikirkooda khaldan.

    Dhamaad

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-5″]

    [ad name=”HTML-4″]

    Hotelka Maka Ra'iisal wasaaraha UAE
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMogadishu hotel siege ends hours later; Somali diplomat, 19 others killed
    Next Article UN Security Council condemns hotel attack in Somalia

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo