Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali “Sharma’arke oo saaka aroortii ku dhawaaqay xukuumad ka koban 60 xubnood oo wasiiro hore oo badani ku jiraan ayaa la xaqiijiyay inuu xukuumadaasi ku leeyahay ama ku darsaday hal xubin oo kaliya.
Ra’iisal wasaare ku xigeen aan wax wasaarad ah haynin oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa noqday shaqsiga kaliya ee Cumar C/rashiid ku soo darsaday 60 xubnood ee uu magacaabay, waxaana ninkan siyaasi hore oo caana kana soo jeeda gobolada Waqooyi Cumar Carte Qaalib.
Maxamed Cumar Carte oo aan la ogeyn waxa uu qaban doono iyo inu ka mid noqon doono xogheynta Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayay saaxiibo shaqsi ah ahaayeen in muddo ah ahaayeen Cumar C/rashiid.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]