Tuesday, May 13, 2025

Ra’iisal wasaare C/weli oo digniintii koowaad ka helay Madaxweynaha

Ra’iisal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay digniintii ugu horeysay oo toos ah kasoo gaartay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo salka ku heysa is diidan ka dhex aloosan labada dhinac iyo kala aragti duwanaansho uu  hore u shaaciyay madaxweynaha inay ka dhex jirto isaga iyo Ra’iisal  wasaaraha.

Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha
Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha                                                         Halkan ka dhageyso heesta salaan aan niyad ahayn

 

Madaxweynaha ayaa kulan ay albaabada isku xirteen isaga iyo Ra’iisal wasaare C/weli horaantii bishan Oktoobar dhegihiisa ku dhibciyay inuusan u dulqaadan karin sida uu wax ku wado uu doonayo inuu si fiican ula shaqeeyo, isla markaana fuliyo wixii uu doonayo si dalka loo maamulo muddada ka hartay xilka  dowladda ee labada sano ka yar iminka.

Ad

Ilo ku dhow Ra’iisal wasaare Cabdiweli ayaa sheegaya inuusan wax go’aan ah siinin madaxweynaha laakiin uu la yaabay heerka uu madaxweynaha marayo oo ah inuu kaliya fuliyo rabitaankiisa, wuxuuna kaliya ku gaabsaday inuu ku soconayo sida sharciga dalka u yaala dhigayo.

Madaxweynaha ayaa muddooyinkan danbe waday siyaasad uu ku go’doominayo ra’iisal wasaaraha oo u muuqday inuu ka fogaanayo, arrintan oo dardarteedu timid markii golaha wasiirada xilka ka qaadeen taliyihii nabad sugidda C/llaahi Sanbaloolshe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON