Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Ra’iisal wasaare C/weli oo la riday & sidii uu codka ku waayay (Xog xasaasi ah)

    Ra’iisal wasaare C/weli oo la riday & sidii uu codka ku waayay (Xog xasaasi ah)

    December 6, 2014Updated:December 6, 20143 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay codeyntii mooshinka laga keenay Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Maxamed oo muddo bil ka badan soo taxnaa, waxaana ugu danbeyn kusoo dhamaatay in kalsoonida lagala noqdo xukuumadda, sidaasina ku dhacdo iyadoo madaxweynaha looga fadhiyo inuu falkiisii ku noqdo soona magacaabo ra’iisal wasaare cusub.

    153 waxay u codeysay in xukuumadda kalsoonida lagala noqdo

    80 waxay u codeysay in xukuumadda sii jirto

    2 waa ka aamustay

    Tirade guud: 235

    Wadani.com oo muddo kusoo jirtay baahinta wararka mooshinka iyo heerarkii uu soo maray waxay qormadan ku eegeysaa sidii uu danbeeyay mooshinka kusoo dhamaaday. Loolankii ugu danbeeyay ee shalay, xalay iyo maanta ka dhex socday gudaha Baarlamaanka waxaa loo adeegsaday dhaqaale xoog leh oo xildhibaannada looga daba yimid ilaa gudaha Baarlamaanka

    Codka xildhibaanka oo xalay gaaray $20,000, waxaa lagu kordhiyay balanqaadyo iyo lacago kale oo farasaar ah, inkastoo qaar ka mida xildhibaannada  oo ku dhow 10 ay saaka soo xaadirin ama uga tageen shirka arrimo kala duwan dartood.

    Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir ayaa ahaa ninka ugu weyn ee u xilsaarnaa ololaha gudaha Baarlamaanka kadhex socda ee saacadii ugu danbeysay ku jiray inuu soo jiito xildhibaanada taageersanaa Ra’iisal wasaaraha.

    Sawirka hoose wuxuu muujinayaa heerka uu gaaray ololaha Faarax Sheekh C/qaadir, walow ay siyaasadu ku dhisan tahay lobby (olole) iyo is qancin haddana waxyaabaha yaabka leh ee madaxweynaha iyo saaxiibadii ku kaceen ayaa ah inay hantidii qaranka u adeegsadeen laaluush aan xishood lahayn iyo tiiyoo jagooyinka qaranka heshiisyo lagula galayo xildhibaanno beelo kasoo jeeda.

    shaqada faarax

     

    Mooshinka maanta soo dhammaaday wuxuu ahaa kii ugu cuslaa ee soo mara Baarlamaan Soomaaliyeed, marka la isku daro lacagta ku baxday ilaa bilowgiisii waxay gaareysaa 8 Milyan oo doolar.

    Arrimaha sababay inuu dhaco Ra’iisal wasaaraha waxaa ugu waaweynaa:

    1. Isagoo aan diyaar u ahayn dagaal noocan oo kale ah
    2. Kooxda madaxweynaha oo aad u dhisan heysatayna awood dhaqaale iyo mid balanqaad jago, horena u soo martay tijaabadan oo kale
    3. Ra’iisal wasaaraha oon ku tiirsaneyn, isbaheysi iyo beel midna
    4. Kooxda Ra’iisal wasaaraha oo intooda badan mabda’ isugu yimid
    5. Iyo dhaqaalaha la adeegsanayo oo mar danbe ay bilaabeen kooxdani
    6. In Ra’iisal wasaaraha fudud yahay in la casilo oo ah caqiiqo ku fogaatay xildhibaannada

    Isku soo wada duuboo ridista C/weli Sheekh Axmed kama dhigna in dhibaatadii siyaasadeed ee dowladda Federaalka ay dhammaatay, waxaana hadda la sugayaa magacaabidda Ra’iisal wasaare cusub iyo sidii looga ansixin lahaa Baarlamaanka iyadoo tani ay ka dhib badnaan doonto ridistiisa.

    Wadani.com

    Muqdisho-Somalia

     

     

    C/WELI OO LA RIDAY CODKA KALSOONIDA
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShariif Xasan iyo Gen. Muungaab oo si weyn uga dhex muuqda ololaha Mooshinka (XOG)
    Next Article Maxaa ka khaldan wareegtada culus ee xeer ilaaaliyaha Qaranka (Faaqidaad xasaasi ah)

    Related Posts

    Golaha Amniga Qaranka Turkiga oo anisixyey Qorshe culus oo ku saabsan Dagaalka Alshabab ee Somaliya

    May 27, 2025

    XOG: Shir muhiim ah oo Berri u furmaya mucaaradka iyo shaki kala dhex galay xubnaha Sare

    May 27, 2025

    Xog: Cirro iyo Deni oo Nairobi uga shiraya arrin ka dhan ah dhismaha SSC-Khaatumo

    May 27, 2025

    Xildhibaannada Labada Aqal oo Ansixiyay Guddiga Doorashada Qaran iyo Buuq hareeyay

    November 27, 2024

    Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

    October 9, 2024

    XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

    September 29, 2024

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo