Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa galabta dib ugu laabtay Muqdisho, ka dib markii uu magaalada Davos ee dalka Switzerland uga qayb galay shirkii Dhaqaalaha Aduunka.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka warbixiyay kulamadii uu ka qeyb galay ayaa sheegay in Shirka Dhaqaalaha Adduunka oo Soomaaliya markii koowaad lagu marti qaaday y ku soo bandhigeeny sidii dalka looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.
Wuxuu sheegay inuu la kulmay hogaamiyayaal iyo ururo caalami ah, kuwaas oo daneeya arrimaha Soomaaliya, isagoo ka codsaday in Soomaaliya lagu taageero hawlaha ay ugu jirto suggidda ammaanka, dib u soo nooleynta dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
“Waxaan la kulmay madaxda Sanduuqa Lacagta Caalamka ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo aan kala hadlay sidii dalkeenna deymaha looga cafin lahaa, waxayna qirayn in Soomaaliya ay samaysay tallaabooyinkii loo baahnaa , kuna taaggan tahay jidkii deymaha looga cafin lahaa.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo xusay madaxdii uu la kulmay in uu la wadaagay halka uu marayo geeddi-socodka nabadda Soomaaliya.