Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Cadaado, isagoo safar dhulka ah uga tegay magaalada Dhuusamareeb, waxaana soo dhoweyntiisa ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo uga hortegay degaanka Godinlabe.
Kheyre oo magaalada Cadaado kula hadleyay dadweyne fara badan ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Xaaf inuu bixiyey dulqaad, kana shaqeeyay horumarinta iyo dib u heshiisiinta, isagoo uga mahad celiyay inuu ku baaqay in Galmudug ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
Ra’iisal wasaaraha ayaa magaalada Cadaado wadahadallo kula yeelan doono dhinacyada Galmudug, isagoo dib ugu laaban doona magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna caddeeyay in dowladda Federaalka ay la shaqeyn doonto dadka Galmudug.
HOOS KA DAAWO