Ra’iisul Wasaaradaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo inta badan madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa caawa ku sugan magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa galabta gaaray Magaalada Garoowe iyadoo uu Garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan Golayaasha Puntland iyo masuuliyiin kale.
Dhinaca kale Madaxda Maamul Goboleedyada K/Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa maanta si kala gaara uga degay magaalada Garowe, waxaana ay caawa ku sugan yihiin magaalada Garowe, iyadoo is aragyo kala gaara la leh madaxweynaha martida loo yahay ee Siciid C/llaahi Deni.
Waxaa maalinta Berri gaari doona magaalada Garowe Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle, iyadoo shirku la filayo inuu furmo gelinka danbe.