Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdigii uu hoggaamimnayey ayaa goor dhoweyd ku laabtay magaalada Muqdisho.
Wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre oo ay ka mid ahaayeen wasiirada Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe iyo la-taliyeyaal waxay dalka Mareykanka kula kulmeen madaxda Bankiga Adduunka, Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Mas’uuliyiin Mareykan ah.
Ujeedka ugu weyn ee safarka oo qaatay toddobaad ayaa ahaa dadaalka loogu jiro in dalka Soomaaliya laga cafiyo deynta, iyadoo dhinaca kale magaalada uu ka socday howlgal amni, isla markaana Baarlamaanku bilaabay dood ku saabsan xaaladda Amniga.