Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo hoggaamiya qeyb ka mida dhinacyada isku haya Galmudug ayaa xalay kulan gaara la yeeshay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Garowe.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda maaamulka Galmudug iyo khilaafaadka hareeyay sidii xal loogu heli lahaa, waxaana, shirkaasi la sheegay inuu gogolxaar u ahaa shirar xal loogu raadinayo Galmudug oo dhex maraya madaxda dowladda Federaalka iyo dhinacyda Galmudug.
Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ka codsaday Ra’iisal wasaare Kheyre in dib loo mideeyo Galmudug, iyadoo xubnaha Cadaado ku sugan laga dhex bilaabayo waanwaan.



