Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta wasaaradda maaliyada iyo dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.
Ra’iiaul Wasaare Khayre ayaa xarunta wasaasaradda maaliyadda kulan kula yeeshay wasiiru dawlaha wasaarada ahna ku-simaha wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xayir Ibraahim, oo uga warbixiyay horumarradii ugu dambeeyay ee laga gaaray dakhli arurinta iyo dardar-gelinta hawlaha dib-u-habaynta dhaqaalaha.
Ra’iisul wasaaraha XFS oo sidoo kale booqday qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho ayaa kulamo la qaatay maamulka sare ee dekadda iyo taliska booliiska oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa.
Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa kormeerrada joogtada ah Ra’iisal wasaaruhu ku tago xarumaha Wasaaradaha iyadoo Dekaddaiyo Wasaaradda Maaliyadda ay yihiin goobaha ugu badan ee uu booqdo.