Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo toddobaadkii saddexaad ku sugan Galmudug ayaa odayaasha iyo waxgaradka magaalada Dhuusamareeb u sheegay inaan la isku heysan caasimadnimada Dhuusamareeb.
Isagoo ka hadlayay martiqaad loogu sameeyay degaan u dhow magaalada Dhuusamareeb ayuu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre sheegay inuu dadaal dheeraad ah ku bixinayo dhismaha Galmudug loo dhan yahay oo u adeegta dhammaan reer Galmudug, sida uu yiri.
Wuxuu sheegay inaan la isku heysan caasimadnimada magaalada Dhuusamareeb, balse la isku hayo in caasimadnimo ay ku shaqeyn karto, wuxuuna intaas ku daray in dadka Dhuusamareeb looga baahan yahay inay inay soo dhoweeyaan dadka reer Galmudug ee kasoo qayb gelaya gogosha dib-u-heshiineed ee magaalada taalla, ayna muujiyaan in caasimaddu tahay magaala madax loo simanyahay, tanaasulaan, cid kasta oo tabasho qabtana ay fadhigeeda ugu tagaan oo ay qanciyaan.
Ra’iisul Wasaaraha oo bulshada Dhuusamareeb u caddeeyay in dowladda ay ka go’antahay in reer Galmdug ay kala shaqeyso dhismaha Dowlad gobaleed Galmudug dhammays ah, ayaa sheegay in meel wanaagsan lasoo gaaray hase yeeshee loo baahanyahay in dhamystirka loo dhabar adeygo oo reer Dhuusamareeb ay qaataan dowr hoggaamineed si la isugu keeno dhammaan reer Galmudug looguna gogol xaaro doorasho xor iyo xalaal ah.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa mar kale ugu baaqay dhammaan dadka reer Galmudug ee wali hubku uu gacantooda ku jiro in hubka ay ku wareejiyaan dowladda oo ciidamada la diiwaan geliyo si loo helo ciidan xooggan oo ka qayb qaata xoreynta dalka iyo ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.


