Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, isagoo ka dhoofay magaalada Dhuusamareeb.
Wafdiga Ra’iisal wasaaraha waxaa garoonka Jen. Maxamed Abshir ee Garowe kusoo dhoweeyay xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, Guddoomiyaha Golaha Wikiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Ku-xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan Puntland, Jubbaland iyo Galmudug.
Waxaa Wafdiga Ra’iisal wasaaraha ka mid ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS iyo kuwa labada maamul, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.
Madaxda isugu tagtay magaalada Garowe ayaa ka qeyb galaya Aaska Qaran ee maanta loo samaynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.



