Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in maanta la bilaabay fulinta amarkii hubka waaweyn looga mamnuucay magaalada Muqdisho.
isagoo ka hadlayay shir beel Soomaaliyeed ay ku taageertay dowladda ayuu ku dhawaaqay inay bilaabeen dhaqangelinta in hubka waaweyn aan loo ogolaan magaalada in lala dhex maro.
“Ma ogolaaneyno in Dhakiisheyaal lagu dhex wato magaalada Muqdisho..” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha oo ka hadlay xaaladda abaaraha, ammaanka iyo qorshaha ciidamadiisa.
“Dowladnimada inay muuqato waxaa daliil u ah, xukuumadeydu ma dhama saddex bilood, haddana qof waliba oo dowladda u shaqeeya laga soo bilaabo Janaayo ilaa hadda mushaarkii uu xaqa u lahaa waa uu helay…” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre oo caddeeyay in dhaqaalihii dowladda uu sare u kacay.
DHAGEYSO