Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya diyaarad helikobtar ah ka qaaday garoonka Muqdisho.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa lagu dejiyay Markab Milateri oo ku sugan xeebta magaalada Muqdisho, kaasoo ay leeyihiin ciidamada caalamiga ah ee ilaalada burcad badeedka Soomaalida, gaar ahaan dalka Spain.
Shirkan ka dhacaya Markabka dagaalka Spain ayaa waxaa soo qabanqaaabiyay Midowga Yurub, waxaana ka qeyb galaya Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo madax ka tirsan Midwoga Yurub; waxaana loo hadlayaa sidii wax looga qaban lahaa burcad badeedka Soomaalida.
Waa shirkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca Markab dagaal dushiis, wuxuuna ku soo beegmay iyadoo ay soo laba kacleysay burcad badeedka Soomaalida oo dhowr markab ku weerartay biyah caalamiga ah bilihii ugu danbeeyay.
Wadani.com