Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa Lacag u diray Guddiga Dhismaha Garoonka KUbadda Cagta ee C/llaahi Ciise oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkcyo.
Lacagtan oo lagu hagaajiyey Guddiga Dhismaha Garoonkaasi ayaa la sheegay inuu hor u ballanqaaday Ra’iisal wasaaraha markii uu booqday magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu shubay lacagta Xisaabta u furan Account Guddiga dhismaha Garoonka C/llaahi Ciise, iyadoo Guddiga ay sheegeen inay soo gaartay lacagtan oo dhan $227,167 (Laba boqol, Labatan iyo todoba kun, boqol lixdan iyo todoba oo doollar).
Hore ayuu Ra’iisal wasaare Kheyre si degdeg ah lacag ugu diray Guddiga dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cawaale ee Waqooyiga Gaalkacyo, taasoo khilaaf ka dhex dhalisay maamulka Puntalnd iyo dhalinyarrada Gaalkacyo.