Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kulul uga hadlay qarixii shalay ka dhacay hotelka Weheliye ee magaalad Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa faray laamaha amniga ee arrintan khuseyso inay warbixin cad oo degdeg ah ka keenaan sida walxaha qarxa ay ku soo dhaafeen baraha baarista ee ciidamadu ku sugan yihiin, isagoo ku goodiyey inuu jiri doono xisaabtan dhab ah.
Wuxuu ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxa. “Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii ee nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Jidka Maka Al-Mukarama..” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha
Kheyre wuxuu sheegay in caddowga lala dagaallamayo uu caadeystay gumaadka shacabka, isla markaana uu adeegsanaya xeelado kala duwan wuxuuna intaas ku daray inay dowladdu si dhow ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay.